Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dadka Ka Yaabiyey Ka Dib Markii Uu Qirtay Inuu Laaluush Qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda.

“Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay.

Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo laba xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka.

BBC-da ayaa Mr Kimunya waydiisay in uu ka jawaabo eedaynta gaarka ah ee Mr Kuria balse ilaa iyo hadda kama jawaabin.

Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaarka badan baarlmaannada caalamka – waxayna masuuliyiintu qiyaasayaan in dalkaas ku yaal Bariga Afrika uu balaayiin doollar ku lumiyo musuqmaasuq sannad kasta.

Muxuu sheegay Mr Kuria?

Mr Kuria ayaa sheegay in marar badan uu goob joog u ahaa baarlamaanka oo laaluush qaadanaya.

“Arrintani xisaab ma leh inta jeer ee ay dhacday sideeddii sano ee aan baarlamaanka ku jiray,” sidaas ayuu u sheegay barnaamijka BBC-da ee Newsday.

“Sida caadiga ah arrimahani kama dhacaan kaamarada horteeda,”

Wuxuu tusaale u soo qaatay magacaabista Mr Kimunya. Kaas oo bishii June ee sannadkii hore baddalay hoggaamiyihii hore aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale.

Xildhibaankaan oo laga soo doorto Gatundu South ayaa qirtay in falalka ku lugta leh musuqmaasuqa ay ahaayeen wax khaldan.

“khalad bay ahayd. Waxaana aaminsanahay … haddii fursad la I siiyo waxaan celi lahaa midka aan xasuisto,” ayuu yidhi.

” Maantaba aan sidaas sameeyo … waxaan dib u celinayaa $1,000 oo qaatay si aan ugu codeeyo Amos Kimunya si uu u noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda.

Muxuu ku saabsan yahay muranka haatan?

Mr Kuria ayaa BBC-da wareysi siiyey markii looga yeeray baarlamaanka si uu uga soo hor muuqdo afhayeenka aqalka baarlamaanka sababo la xidhiidha in wax laga waydiiyo eedda ah in siyaasiyiinta qaar ay ku dhawaad 1,000 ku qaateen si ay ugu codeeyaan mashruuca wax ka baddalka dastuurka ee loo yaqaan BBI.

Ujeedada sharcigaan – oo ay dhabarka ka riixayeen madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga – ayaa ku aaddan in wax laga qabto caqabadaha waddanka ka taagan tan iyo markii uu madax bannaanida qaatay, sida qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

Balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in mashruucaan uu waqti lumis uun uu soo kordhinayo uuna kordhinayo xubnaha baarlamaanka sidoo kale dib loo soo celinayo jagada ra’iisal wasaaraha iyo dhowr ku xigeen.

Mr Kuria ayaa taageersan madaxweyne ku xigeenka William Ruto, kaas oo aan taageersnayn sharciga BBI, waxayna si weyn isu hayaan Mr Odinga.

In kastoo siyaasiyiinta qaar ay ka hor yimaadeen mashruucaan, haddana BBI-da waxaa meel mariyey wakiilladda ismaamul goboleedyada iyo waliba baarlamaanka Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this