Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Kenyaati ah oo qirtay in uu laaluush qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda.

Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yiri, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay.

Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Kenyaati ah oo qirtay in uu laaluush qaatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this