Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Israel ayaa maalintii shanaad xoojiyay weerarada ay ku hayaan dadka Falastiin ee deegaanka Qaza, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka,taangiyo iyo doomanka hubeysan  .

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ay lug ku leeyihiin weeraradii dhacay maanta oo Jimco ah, laakiin aysan galin Gaza.

Maalintii Isniinta ee uu bilowday dagaalka illaa hadda  waxaa  dhintay 115 qof oo Falastiin ah halka 7 kale ay ka dhimatay Israel.

Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay  ka digaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo  xiray in ka badan 400 oo qof.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this