Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Ex. madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud

Recommended Posts

Deeq A.   
1-13.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

War kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xasiloonida magaalada Muqdisho, amniga guud iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka” ayaa lagu yiri warkaas.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, kuwaas oo qaarkood sheegeen in ay u tartamayaa madaxweynaha dalka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Ex. madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this