Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo galabta ka dhacay degaanka Sheerbi ee Gobolka Garkaar.

Saraakiil ka tirsan Laanta ilaalada wadooyinka ee Booliiska Puntland, ayaa laga soo xigtay  in shilka ay ku dhinteen laba dhalinyaro ah, halka saddex kalena ku dhaawacmeen.

Dhalinyarada shilka ku dhaawacmay oo ka soo jeeda dowlad goboleedka Koonfura Galbeed, ayaa kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso, si ay tartan kubada cagta ah u lasoo ciyaaraan fasaxa ciidka kooxo kale oo ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ku sugan magaaladda Qardho.

PUNTLAND POST

The post Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this