Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimo xasaasiya oo ku saabsan Ergayga ay ‘Soomaaliya diidday’ ee Midowga Afrika u soo xulay oo la ogaadey

Recommended Posts

Deeq A.   

Arrimo xasaasiya oo ku saabsan Ergayga ay ‘Soomaaliya diidday’ ee Midowga Afrika u soo xulay oo la ogaadey

.

JOHN MAHAMA

Dowladda Soomaaliya ayaa “ku gacan seyrtay” inay aqbasho ergayga gaarka ah ee uu Midowga Afrika u soo magacaabay si uu u dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga cusub, John Maha – oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana – uu xiriir dhow la leeyahay Kenya.

Waxay xukuumadda federaalka Soomaaliya warqad u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, taasoo ay ugu wargalisay in dowladda Soomaaliya aysan ku taageeri doonin Mr Mahama doorkiisa cusub.

Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, oo wargeyska uu soo xigtay ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ghana uu gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, isagoo aan cayimin nooca uu yahay xiriirkaas.

Arrimtaas oo kaliya ayuu sheegay in Mr Mahama aan loogu kalsoonaan karin, xal caddaalad ku dhisan na uusan keeni karin.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaan weydiiyay arrinka warqadan iyo in ay xaqiiqo tahay, balse way ka gaabsadeen. Noomana suuragalin in aan helno wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la sheegay in warqaddan ay iyada ka soo baxday.

Maalintii Sabtida ahayd ayay hoggaanka Midowga Afrika usoo magacaabeen Mahama inuu noqdo ergaygooda ugu sarreeya dhinaca arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya si uu ugu qaabilsanaado xal u helidda xasaradaha diblomaasiyadeed ee labada dal ee dariska ah.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka soo xulashada Maha, waxaana mowqifkooda lagu caddeeyay bayaan Aaxaddii kasoo baxay Stephane Dujarric oo ah afhayeenka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Soomaaliya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya kaasoo ay jartay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Dowladda Qadar ayaa door weyn ku lahayd dhexdhexaadinta labada waddan iyo soo afjaridda xiisadda.

Waa kuma John Mahama?

Mr Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano.

.

K ahor inta uusan madaxweyne noqonin, wuxuu ahaa wasiirka wafraafinta kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Ghana.

Xilka madaxweynaha wuxuu qabtay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyay isaga, John Evans Atta-Mills, oo dhintay bishii July ee sanadkii 2012-kii. Isagana waxaa xilka lagala wareegay sanadkii 2017-kii.

Mr Mahama wuxuu shaqooyinkiisa xirfadda ah markii ugu horreysay ku billaabay macallinnimo, wuxuuna ardayda bari jiray maaddada taariikhda.

 

Waddanka Ghana wuxuu ka tagay sanadkii 1981-kii. Sanadkii 1988-kii ayuu shahaadada aqoonta cilmi nafsiga ka qaatay jaamacad ku taalla magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Markii uu ku laabtay dalkiisa wuxuu markii ugu horreysay ka shaqo billaabay safaaradda Japan.

Sanadkii Sanadkii 1996-dii ayaase loo doortay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka waddanka Ghana, sidaasna waxaa ku billowday waayadiisa siyaasadda.

Sanadkii 2016-kii isagoo mar kale damacsan in loo doorto xilka madaxweynaha ayaa looga guuleystay doorashada. Waxaa haddana looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2020-kii ka dhacday Ghana.

Qaar ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee uu soo maray

1981-kii wuxuu ka cararay Ghana wuxuuna tagay dalka Nigeria kaddib markii uu afgambi sameeyay Jerry Rawlings.

1991 ilaa 1995 wuxuu ka shaqenayay xafiiska warfaafinta ee Safaaradda Japan ay ku leedahay Ghana.

1996-dii waxaa loo doortay xildhibaannimada Baarlamaanka Ghana, isagoo matalayay deegaan baarlamaaneedka lagu magacaabo Bole-Bamboi ee gobolka waqooyiga dalkaas.

1998-kii, bishii November waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta.

2000 waxaa dib loogu doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi oo loo igmaday afar sano oo kale.

2001, bishii January waxaa xilka wasiirka Warfaafinta kala wareegay Felix Owusu-Adjapong.

.

2003 ilaa 2008 wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaan goboleedka Pan-Afrika, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ururkaas ay ku bahoobeen dalalka Galbeedka Afrika.

2004 waxaa mar saddexaad loo doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi ku matalaya baarlamaanka.

2008 waxaa loo xushay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo John Evans Atta-Mills oo u tartamayay doorashada madaxweynaha oo dhaceysay bishii December.

2009, 3-dii January John Atta-Mills ayaa lagu dhawaaqay inuu noqday madaxweynaha Ghana.

2009, 9-kii January John Mahama waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Ghana.

2011, 4-tii August waxaa mar kale la xaqiijiyay inuu madaxweyne ku xigeen u noqonayo John Evans Atta-Mills oo doorashada madaxweynaha u tartamayay markii labaad.

2012, 24-kii July waxaa geeriyooday madaxweyne John Atta-Mills, oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Accra. Mahama ayaa durbadiiba loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Ghana.

2012-kii xisbiga talada hayay ee NDC ayaa ku taageeray inuu xilka madaxweynaha ugu tartamo doorashadii dhaceysay dabayaaqadii 2012-kii.

2012, 7-dii December wuxuu xilka madaxweynaha kula tartamay Nana Akufo-Addo oo ka socday xisbiga cusub ee magaciisa loo soo gaabiyo NPP.

2012, 11-kii December waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay xilka madaxweynaha kaddib markii uu helay 50.7% ka mid ah codadkii la tiriyay. Nana wuxuu helay 47.74% ka mid ah codadka.

2014, 29-kii March waxaa loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha Galbeedka Africa ee ECOWAS, jagadaas oo uu qabanayay hal sano.

2015, 28-kii July nin ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay inuu dilo Mahama.

2016, bishii June waxaa lagu eedeeyay inuu qaatay gaari hadiyad ah oo qiimihiisu gaarayo $100,000. Hadiyaddaas waxaa la sheegay inuu ka helay nin qandaraasle ah.

2016, 22-kii September wuxuu Shirka Qaramada Midoobay ka sheegay in Afrika “aysan u baahneyn naxariistooda iyo kaalmadooda balse ay u baahan tahay in si caddaalad ah fursad loogu siiyo inay caalamka wax la qeybsato”.

2016, 9-kii December wuxuu qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxweynaha kaddib markii uu guusha qaatay Nana Akufo-Addo.

2016, 13-kii December wuxuu raacay hoggaamiyeyaal Afrika ka socda oo u safrayay Gambia si ay xal ugu raadiyaan xasaradihii siyaasadeed ee ka dhashay markii doorashada looga adkaaday madaxweynihii dalkaas Yahya Jammeh.

2017, 22-kii June maxkamadda ugu sarreysa Ghana ayaa xukuntay in Mahama uu dastuurka meel uga dhacay markii uu 2016-kii dalkiisa u fasaxay labo qof oo argagixiso ah oo laga soo daayay xabsiga Mareykanka ee Guantanamo Bay.

2017, bishii July wuxuu hoggaaminayay guddi kormeerayaal ah oo loo soo xil saaray doorashadii guud ee ka dhaceysay dalka Kenya.

2018, bishii July wuxuu hoggaaminayay kormeerayaashii doorashadii ka dhaceysay dalka Zimbabwe.

2019, 24-kii February waxaa loo doortay murashaxa xisbiga NDC ee xilka madaxweynaha, si uu ugu tartamo doorashadii dhaceysay 2020-kii. Laakiin waa looga guuleystay.

2021, 9-kii May waxaa loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya si uu gacan uga geysto xal u helidda doorashada hannaankeeda lagu murmay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this