Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.

Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka.

185745476_2979955242235590_5779937814214 186508428_2979955418902239_3693436069910 186425344_2979955292235585_1959318825883 186434695_2979955335568914_8828446657020 186466590_2979955408902240_8295696893015 185399219_2979955248902256_2157613668629 185222468_2979955302235584_5209220574874 185993977_2979955342235580_8363376499075

The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this