Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo wada qorshe lagu xalinayo xiisada Falastiin iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Faransiiska ayaa wada dadaallo dibolomaasiyadeed oo qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo waddamada Bariga Dhexe ay ku doonayaan in wax looga qaabto ska horimaadyada dhimashada badan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Dalalka  Faransiiska,Jarmalka,Masar iyo Jordan  ayaa ku riixi doona Israel iyo Falastiin inay dib u bilaabaan wadahadalka iyada oo la raacayo qaab dhismeedka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

wasiirka arrimaha dibadda dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay wareegga cusub ee iskahorimaadyada sii xoogeysanaya ee geystay dhimashada in ku dhow sideetameeyo

Wasiirka ayaa xusay in xalku uu ku jiro dhismaha laba dowladood oo kuwada noolaada nabad iyo ammaan iyadoo Qudus ay tahay caasimada labada gobol.

PUNTLAND POST

The post Faransiiska oo wada qorshe lagu xalinayo xiisada Falastiin iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this