Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways Oo Beenisay Inay Bishan May Billaabeyso Duulimaadyo Toos Ah Oo Nairobi Iyo Hargeysa Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshe ay ku billaabeyso duulimaadyo isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, ayada oo beenisay warar shalay soo baxay.

Qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa waxaa shalay ku baahiyey qoraal loogu lagu sheegay inay duulimaadyada Hargeysa billaabeyso daba-yaaqada bishan May.

“Kenya Airways waxa ay dooneysaa inay caddeyso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay iminka hakad ku jiraan, ayada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhi qoraal ay shirkadda soo saartay.

“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo iminka shaqeynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this