Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadamada laga ciidayo maanta+Siday Soomaalida ugu kala qeybsantahay (Kuwo maanta Ciiday,Kuwo Berri Ciidaya & Kuwo saad danbe Ciidi Doona) 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadamada laga ciidayo maanta+Siday Soomaalida ugu kala qeybsantahay (Kuwo maanta Ciiday,Kuwo Berri Ciidaya & Kuwo saad danbe Ciidi Doona)

 ciida.jpg

Wadamo badan oo Dunida ka tirsan  ayaa maanta laga ciidayaa xili inta badan dunida islaamka ama Dalalka Diinta Islaamka haysta laga sooman yahay.

Dalalka Senegal, Maali, Niger iyo Ivory Coast oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciiday, xilli laga sooman yahay inta badan dunida Islaamka.Dalalkan ayaa xalay shaaciyey inay arkeen bisha Soon-fur.

Dhinaca kale Deegaanno ka tirsan Gobollada koonfurta fog ee Soomaaliya ayaa Saaka laga tukaday Salaada ciida, halkaasi oo ay joogaan Al-Shabaab.

Dalal kale ayaa ayaa Maanta Soontu u tahay 29, waxaana la filayaa in ay Maalinta Jimcaha ciidaan.

Soomaalidu saddexda heerba waa ku jirta;kuwa maanta ciiday, kuwa berri ciidaya iyo kuwa saadanbe ciidi doonaba.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this