Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalo Ka Tirsan Israa’iil Oo Xaalad Deg-deg Ah La Geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lod)-Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah gelisay magaalada badhtamaha dhacda ee Lod kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay halkaas ka dhigeen dadka kasoo jeedo Carabta Israa’iil xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo ciidamada iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Xilli ay rabshadaha ka socdeen magaalada Lod, waxaa dab la qabadsiiyay baabuur.

Waxaana halkaas ku dhintay aabe iyo Inantiisii kadib markii baabuurkooda uu ku habsaday madfac.

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay gudaha Israa’iil halka Israa’iil ay duqeysay Qaza.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaalkan ka socda halkaas.

Millateriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadi gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil.

In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this