Deeq A. Posted May 12, 2021 HAWLIHII DOORASHOOYINKA MA WAX BAA LAGA BADELAY MISE DALKII BAA HAL XISBI OO KALIYA ISKU NOQDAY ? Marka hore waxa aan soo dhaweynayaa in is af garad iyo wada jir qaran lagu waajaho doorashooyinka qaranka oo si bilaa xanaf ah oo xaliiban loo tartamo haseyeeshee doorashada waxa galaya xisbiga xukuumada iyo laba xisbi oo mucaarad ku tilmaaman ! Shalay waxa madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomay shir uu madaxweynuhu isugu yeedhay sadexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka , gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud. Shirkaasi waxa la inoo sheegay in wax la isla falanqeeyey laakiin waxa aynu daawanay uun Madaxwaynaha oo warqad u akhriyaya iyo hadal kooban oo la siiyey labada Gudoomiye xisbi ee Waddani iyo Ucid , waxa la galayaana hadda waa doorasho e garo. XISBIYADA MUCAARIDKU AMA AFEEF HORE HA YEESHAAN AMA ADKAYSI DAMBE ! Doorashooyinka dalka nidaam baa loo gali jirey daah furan oo dadka u garnaqaya dadkana lagu wada kalsoon yahay qaabka ay ku yimaadeena uu yahay mid daah furan oo dhamaan shuruuduhu u dhan yihiin , waxa lagu wada shaqeyn jirey xeerar qoran iyo heshiis ay axsaabta iyo komishanku galaan ( code of conduct ) mudada doorashadu socoto. Doorashadii golaha wakiilada ee hore markii halkan oo kale la marayey gudoomiyihii komishanka ee xiligaasi Axmed Xaji Cali Cadami iyo axsaabtu waxa la sameeyey gudi adag oo la isla ogol yahay oo ka garnaqda waxii doorashada khilaaf iyo muran ka yimaada gudidaasi waxa ay hoos tageysay komishanka doorashooyinka qaranka , waxaa ay ka koobnaayeen 14 qof ; Xeerbeegtida kor ka eegista iyo xalinta khilaafaadka ka soo baxa doorashada 1. Hassan Meygaag Samater 2. Dr. Aden Abokor Yusuf 3. Prof. Abdi Haybe Elmi 4. Aden Muse Jibriil 5. Yasin Ibrahim Magan 6. Hussein Ali Nour 7. Hassan Mohamed Jama 8. Rashid Sheikh Abdillahi 9. Abdillahi Haji Ahmed Qulunbe 10. Mohamed Omer Hussein Dhuux 11. Abdillahi Saeed Farah 12. Abdilkadir Ali Hassan 13. Saeed Ali Giir 14. Sacdiya Aw Musse Ahmed Gudigani waxa farta laga saarey dhamaan xeerarkii iyo xeerkii anshaxa qaabkii loo galayey kaambaynka doorashada si hadhow waxii khilaaf ah ay iyagu u xaliyaan, waxii khilaaf ah ee ay xalin kari waayaana loogu gudbiyo maxkamadaha dalka. Imika waxa fadhiyey madashii shirkii shalay komishanka oo aynu ogeyn khilaafkii iyo dhibtii la soo kala mutay oo ah in la yeelo sidii madaxweynuhu rabay , waxa kale oo fadhiyey gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka jamhuuriyada Somaliland oo labaduba uu madaxweynuhu magacaabay , haba magacaabo e arinka meesha yaalay aanu aheyn mid maanta iyaga u yaaley. Waxa uun ay u muuqataa in axsaabta kalsooni laga sii siinayey hadhowtona waxii murug soo baxa iyagu markiiba soo faro galiyaan , arinkaasi oo ku xun dalka lagana yaabo in uu dhaawaco sumcada hay’adaha qaranka ee ay ka socdaan oo ay u muuqdaan muraad qumiyayaal qof gaar ah ama dhinac gaar ah . Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu sameeyey dayac weyn barigii dhaweyd ee la kala xulayey murashaxiinta waxaana aanay shaqadoodii siiyeen hay’ado dawladeed oo aan sharciga meelna kaga jirin waxaana ay dhalisay foolxumooyin weyn iyo wax badan oo gef ahaa , sidoo kale waxaa xiligaasi cabashooyin ka jireen oo loo arkay in xeer ilaalintu tahay mid xukuumadu ku adeeganayso. Markaa maanta ayey wax dhow yihiin intii hadhow dalka fowdo laga abuuri lahaa waa in arinkaasi loo dhug yeeshaa, hadii xukuumadu doonto in ay doorashada ku shubato ama xoog dawladnimo isticmaasho mucaaridoow maxaa ku naf ah , miyaad qaylini uun waliba maanta xataa qayladiina cidina idiinku damqan mayso sababta oo ah intaa dadka iyo dalkaba kaliftaan ayuun baa sidii aad falan tihiin haddana madaxtooyada wax la idiinka yeedhiyaa.. Dalka waxa dadweynaha jamhuuriyada Somaliland hore ugu dareereen todoba doorasho oo hore oo kala ahaa ; 31-May-2001 Aftidii dastuurka dalka 15-Dec-2002 Doorashadii goleyasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka. 14-April-2003 doorashadii madaxtooyada 29-sept-2005 doorashadii golaha wakiilada 26-June-2010 doorashadii madaxtooyada 28-Nov-2012 doorashadii goleyaasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka . 13-Nov-2017 doorashadii madaxtooyada ee ugu dambaysay. Intaasi oo doorasho mid waliba xaalado u gaar ah iyo duruufo u gaar ah ayey lahayd oo lagu xasuustaa , maantana ma rabno in la yidhaahdo doorasho ayuun baa dhacday ee waxa aanu rabnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo nadiif ah dadkana aan kala dilin ee noqota mid wadanka sumcad u soo hoysa. Allahum ma balaqtum Mohamed Abdi Jama Muxamed Dhimbiil Qaran News Share this post Link to post Share on other sites