Deeq A. Posted May 11, 2021 Kampala (Caasimada Online) – Madaxweyanaha waqtigiisa uu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saaka u ambabaxay wadanka Uganda, waxaana mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ay kasii sagootiyeen garoonka Aadan Cadde. Farmaajo ayaa ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Yoweri Museveni, kadib markii lagu casuumay. Safarkan waxaa madaxweynaha ku wehlinaya wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil kale. Sidoo kale madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa inta uu ku sugan yahay Kampala kulamo duceedyo la qaadan doono madaxda Uganda iyo mas’uuliyiinta kale ee ka soo qeyb-galaya munaasabadda caleema saarka oo dhaceysaa 22-ka bishan May ee 2021-ka. Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha doorashooyinka guud ee dalkaas, wallow uu natiijadaas qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine. Si kastaba madaxweyne Museveni oo talada dalka Uganda qaab Jabhadayn ku qabsaday sanadkii 1986-dii waxa uu xilkaasi hayaa 35-sano, isagoo codbixinta Doorashadii u dambaysay ee ka dhacday dalkaasi bishii Janaayo 14-dii ee sanadkan uu ka helay 58.64%. The post Madaxweyne Farmaajo oo u safray Uganda + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites