Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Quddus iyo Israa’iil oo isaga baxday Masjidka Al-Aqsa

Recommended Posts

Deeq A.   

Quddus (Caasimada Online) – Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus, kadib, maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Kooxaha Hubeysan ee Falastiin ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Quddus.

Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAAS.

Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku baaqay in la dajiyo xasilooni darrada ka dhex aloosan Israa’iil iyo Falastiin oo faraha ka sii baxaya.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Britain waxay Israa’iil iyo Falastiin ugu baaqeen iney xaaladda si dhaqsa ah u qaboojiyaan.

Xiisadda ayaa ka sii dartay habeennimadi Isniinta kaddib marki ay Falastiiniyiinta ay gantaallo ku soo tuureen magaalada qeybaha ay ka degenyihiin Israa’iiliyiinta.

Israa’iil oo jawaab uga dhigeyso gantaallada dhanka Falastiin laga soo riday waxay qaadday duqeymo dhinaca cirka ah, iyada oo duqeynta ku beegsatay saldhigyo ay kooxaha Falastiiniyiinta loo maleynayo iney gantaallada soo rideen.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen 24 qof oo ay 9 carruur ah ku jiraan inay ku dhinteen duqeynta ay diyaarada Israa’iil marinka Qaza ka fuliyeen, halka uu dhaawaca marayo 103 qof.

Militariga Israa’iilna waxay sheegeen dadka duqeynta ay ku dileen ay ku jiraan ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsan ururka Xamas ee Qaza gacanta ku haya.

Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah.

The post Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Quddus iyo Israa’iil oo isaga baxday Masjidka Al-Aqsa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this