Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo hakisay dhammaan duullimaadyada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-13.jpg?resize=750%2C500&ssl=1

Hay’adda duulista hawada u qaabilsan dowladda Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah hakisay dhammaan duulimaadyadii u dhexeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Xayiraadda duulimaadyadan, waxa keliya ka reeban diyaaradaha samaynaya gurmadka caafimaad iyo kuwa bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay.

Xayiraadda ay soo rogtay Kenya ayaa ka dambaysay, markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ay sheegtay bishan May 9-keedii in xayiraaddi duulimaadyada qaadka ay weli taagan tahay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in amarka hakinta duullimaadyada uu soconayo ilaa 9-ka bisha Agoosto ee sannadkan 2021, inkastoo aysan xusin sababta ka dambaysa go’aankaas.

Wararku waxay sheegayaan, in dowladda Kenya ay si adag uga caraysantahay xayiraadda weli saaran Ganacsiga Qaadka ee loo iib-geeyo gudaha Soomaaliya, sidaas darteedna ay u mamnuucday duullimaadyada.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Kenya oo hakisay dhammaan duullimaadyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this