Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare xooggan oo ka dhashay weeraro Israa’iil ku qaaday Falastiiniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 20 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay, in ka badan 800 oo kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii u dambeeyay ee ciidamada Israa’iil ka fuliyeen gudaha dhulka Falastiin, gaar ahaanna masjidka Al-Aqsaa.

Mas’uuliyiinta Caafimaadka marinka GASA, ayaa laga soo xigtay in dhimashadu marayso 20 ruux, halka dhaawacuna gaaray 822 qof, kuwaas oo u badan haween iyo carruur da’ yar.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa ku guul-darraystay in ay qaraar midaysan ka soo saaraan, kadib markii dowladda Maraykanku ay codka qayaxan ku diiday in Israa’iil la cambaareeyo.

PUNTLAND POST

The post Khasaare xooggan oo ka dhashay weeraro Israa’iil ku qaaday Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this