Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha dekedda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
1-9.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha dekedda Garacad oo si isku-tashi ah ku socda, islamarkaana meel geba-gabo ah maraya.

Waxa dekedda booqday Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda, Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo wasiirka duulista hawada, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay.

Wasiirada ayaa kormeer ku sameeyay dhammaan qaybaha kala duwan ee dekedda, waxaana ay warbixin ka dhegaysteen guddiga dhismaha dekedda Wadaagsin iyo shirkadda gacanta ku haysa hawsha dhismaha dekedda.

Dhismaha dekeddan ayaa qayb ka ah mashaariic isku-tashi ah oo ka socda gudaha Puntland, kuwaas oo ay ku jirto wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

PUNTLAND POST

The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo booqday dhismaha dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this