Deeq A. Posted May 10, 2021 Xajka sannadlaha ah ee oo loo aado magaalada barakeysan ee Maka ayaa lagu wadaa in sanadkan la sii ambaqaado balse waxaana la filayaa in shuruudo gaar ah lagu xidho xajka si looga hortago faafitaanka cudurka Karoona. Wasaaradda Xajka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in faahfaahinta iyo xaaladaha la shaacin dhawaan. Sanadkii la soo dhaafay Sacuudi Carabiya waxay u ogolaatay kaliya toban kun oo xujey ah gudaha ah marka loo eego celcelis ahaan seddex milyan oo ajaanib ah inay gutaan waajibaadka xajka, taasoo keentay jahwareer baahsan oo soo food saaray xujeyda. Source Share this post Link to post Share on other sites