Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiistay dowladda Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in in ka badan 100 askari oo horey uga tirsanaaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay dalbadeen in la difaaco iyagoo magangalyo waydiiststay dowladda Sudan.

Waxay qeyb ka ahaayeen howlihii ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Darfur ee dhawaan la soo xiray.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Tigrey ay diideen in ay Itoobiya dib ugu laabtaan iyaga oo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo eedeeymaha la xiriira in tacadiyo la geystay 6 bilood ee uu socday dagaalkii gobolka Tigrey.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiistay dowladda Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this