Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku simaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay wakiilka IOM u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?resize=960%2C454&ssl=1

Ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya, Richard Danziger.

War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen, dardar gelinta mashaariicda hormarineed ee hay’adda socdaalka Adduunka IOM ka wado gudaha Puntland.

Karaash iyo Richard Danziger, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ka hortagga arrimaha tahriibta iyo caawinaadda Qaxootiga ka soo tallaaba xuduudaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu hay’adda IOM uga mahadcelinayo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato kobcinta iyo tayaynta Hay’adaha dowliga ah.

PUNTLAND POST

The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay wakiilka IOM u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this