Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil boolis oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
20210509_224038.jpg?resize=720%2C596&sslMarxuum, Axmed Colaalay

Taliyihii saldhiga booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Baashane (Colaalay) ayaa caawa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa ku dhintay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala isgayska Dabka.

FB_IMG_16205903410190386.jpg?resize=720%Marxuum, Cabdi Baasid Cagey

Sidoo kale qarax waxaa ku dhintay sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Baasid Maxamuud Cagey, askar iyo dad rayid ah oo aan weli tiradooda la xaqiijin.

Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli faahfaahin ka bixin qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay saldhiga booliska degmada Waaberi.

PUNTLAND POST



The post Saraakiil boolis oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this