Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo war ka soo saartay qaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Diyaaradaga-Qaad.jpg?resize=720%2C479&ss

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu weli mamnuuc ka yahay qaadka Kenya ee Miraa, kaas oo sanadkii hore la joojiyay.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa uu mamnuuc ka yahay dalka, islamarkaana aysan waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda horey ugu joojisay.

Hay’adda waxay sheegtay in ciddii qaadka Kenya keenta Soomaaliya iyadoo ogolaansho haysan loo arki doono ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya.

Go’aanka qaadka ayaa ku soo aaday iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay todobaadkii hore dib u soo celisay cilaaqaadkii ay la hayd Kenya oo muddo xumaa.

Soomaaliya ayaa hadda waxaa yimaada qaadka Itoobiya ee Hareeriga, waxaana la sheegaa in ay ka ganacsadaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

IMG-20210509-WA0003.jpg?resize=763%2C108

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo war ka soo saartay qaadka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this