Sign in to follow this  
Deeq A.

Garsoore caan ah oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubaysan, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay garsoore caan ah, oo ka tirsanaa wasaaradda Caddaalada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marxuum Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Bagadi), ayaa xalay fiidkii lagu dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dhacdada kadib halkaas gaaray laamaha amniga.

Wasaaradda Caddaalada Soomaaliya, ayaa ka tacsiyaysay geerida marxuumkaas ka tirsanaa wasaaradda, oo ay dilkiisa sheegatay Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Garsoore caan ah oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this