Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
2-8.jpg?resize=1000%2C659&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada.

Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Madaxweynaha saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu.

Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this