Sign in to follow this  
Deeq A.

Erdoğan: Israel waa dowlad argagixiso ah oo mudan in tallaabo laga qaado

Recommended Posts

Deeq A.   
3-4.jpg?resize=740%2C418&ssl=1

Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii u dambeeyay ee Israel ka fulisay masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiinyiinta halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa gabood-fallada soo noq-noqday ee sannad kasta Israel bisha Ramadaan ka fuliso masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa” ayuu yiri Recep Erdoğan.

Madaxweyne Erdoğan, ayaa dalalka Caalamka gaar ahaanna kuwa muslimiinta ugu baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo tacaddiyada Israel ku hayso muslimiinta Reer Falastiin.

“ Banii’aadam kasta waxa la gudboon in uu hor istaago dulmiga foosha xun ee lagu hayo masjidka barakaysan iyo dadkiisa” ayuu sii raaciyay hadalka madaxweynaha Turkiga.

Sidoo kale wuxu sheegay in Israel tahay dowlad Argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood.

“ Israel waa dowlad argagixiso ah oo ku xad-gudubtay muslimiin ilaashanaya dhulkooda barakaysan iyo guryahooda ay kumanaan sano ka hor ka dhaxleen awoowayaashood.”

The post Erdoğan: Israel waa dowlad argagixiso ah oo mudan in tallaabo laga qaado appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this