Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarka Yuhuuddu Ku Qaadday Al Aqsa oo La Dhaleeceeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20210508-WA0026.jpg?resize=1000%2C99Ciidammada Yuhuudda oo weeraraya masjidka Al Aqsa.

Qudus (PP) — Askarta dowladda Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xalay masjidka Al Aqsa oo ay dad ku cibaadaysanayeen. Weerarkan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 75 qof.

20210508_173224.jpg?resize=768%2C685&sslQof ka mid ah dadka ku dhawacmay weerarka.

“Ciidammada gumeysiga Israa’iil waxay uga gol-lahaayeen weerarka inay muujiyaan nacaybka ay u qabaan diinteenna waayo qofka diintiisa haysta marnaba isha ka laaban mayo dulliga Yuhuuddu nagu hayaan” ayuu yiri nin u dhashay Falastiin oo masjidka ku cibaadaysanayay.

20210508_173207.jpg?resize=576%2C437&sslGaboodfallada Yuhuudda oo baraarujiyay dad badan oo Yurub ku nool

Dowladaha galbeedka oo taageera gaboodfalka Israa’iil qaarkood ayaa eedeeyay weerarka. Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarku daba socdo burburin ay Yuhuuddu u geysatay guryaha dadka reer Falastiin ee ku nool Bariga Qudus.

Muuqaal muujinaya weerarka Yuhuuddu ku qaadeen masjidka Al Aqsa.

© Puntland Post, 2021

The post Weerarka Yuhuuddu Ku Qaadday Al Aqsa oo La Dhaleeceeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this