Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Khadar : Muranka Badda Waxaa Soo Afjari Doonta Maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in Dowladda ay qorsheyneyso in dib maxkamadda looga soo celiyo dacwadda Muran xuduudeedka Badeed ee Soomaaliya iyo Kenya .

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in kaliya ay sugi doonaan go’aanka Maxkamadda Cadliga ee ICJ .

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhageysiga muranka la soo gaba gabeyay waxa ay sugayaanna ay tahay Go’aanka ugu dambeya ee Maxkamadda .

Muranka badda waxaa soo afjari doonta Maxkamadda ICJ , ka dib dhageysiga dacwadda ee afka ayaa la soo gaba gabeyay bishii Maarso 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa xukun cadaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gooni ah.” ayuu yiri Mahadi Guled .

mahdi.png

GoobJoog News 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this