Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo qaabilsay wefdi ka socda hay’adda FAO

Recommended Posts

Deeq A.   
1-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, Siciid Cismaan Aadan (Fiisigis), ayaa maanta oo Sabtiya xafiisiisa Garoowe ku qaabilay madaxa hay’adda FAO u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay; hormarinta adeegyada caafimaadka xoolaha iyo mashaariicda ay iska kaashadaan wasaaradda Xannaanada xoolaha Puntland iyo hay’adda FAO.

Waxaan ka wadahadalnay hormarinta adeegyada caafimaadka Xoolaha iyo mashaariicda socda ee ay iska kaashanayaan wasaaradda iyo hay’adda” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu Facebook soo dhigay wasiirka.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO, waxay kamid tahay hay’adaha Puntland kala shaqeeya mashaariicda kala duwan ee la xiriirta beeraha iyo xoolaha.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland oo qaabilsay wefdi ka socda hay’adda FAO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this