Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo beenisay in ay ka laabatay dacwaddii badda ee kala dhexaysay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa waxba kama jiraan ka dhigay wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ka laabatay dacwadda muranka badda ee taal Maxkamadda ICJ.

Ra’iisul wasaare Guuleed, ayaa sheegay in dacwadda muranka badda ay dhammaystiri doonto Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, kadib markii dhegaysiga kiiska la soo geba-gabeeyay, islamarkaana laga sugayo in ay ku dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah.

 “Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi Mahdi Guuleed oo Qoraal kooban soo dhigay bartiis Twitter-ka.

Hadalkiis ayaa jawaab u ahaa, warar ku saabsan in Soomaaliya ogolaatay in muranka badda lagu xalliyo meel ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kadib markii la soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo beenisay in ay ka laabatay dacwaddii badda ee kala dhexaysay Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this