Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 170 qof oo ku dhaawacmay weerar Israa’iil ku qaaday masjidka Al-Aqsaa

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 178 qof oo Rayid  ah, ayaa ku dhaawacmay weerar ay xalay Ciidamada Israa’iil ku qaadeen masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa ee dhulka Falastiin.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, ayaa sheegtay in 83 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo xaaladoodu liidato loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada Quddus, halka dhaawacyada harsan lagu dawaynayo isbitaallada kale.

Dadka ugu badan ayaa ka dhaawacmay wejiga, indhaha iyo xabadka, waxaana qaarkood gaaray dhaawacyo daran, sida laga soo xigtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarka xalay qaaday xilli muslimiinta Reer Falastiin ay salaadda ku oogayeen masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 170 qof oo ku dhaawacmay weerar Israa’iil ku qaaday masjidka Al-Aqsaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this