Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 dalka India oo gaartay 21 Milyan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka dalka India ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka uu haleelay safmarka Covid-19 ay kor dhaaftay in ka badan 21 Milyan iyadoo hada mawjada labadaan ay la daalaadhacaan

Guud ahaan gobolada dalkaasi india ayaa la sheegay in gabaabsi ay ka yihiin Agabyada caafimaadka ee lagu tacaalo Covid-19 gaar ahaan deegaannada miyiiga uu muddooyinka faro ba,an ku haayo.

Qurba joogta iyo ganacsatada ayaa door weyn ka qaadanayo sidii dadka loogu gargaari lahaa waxaana sidoo kale dowladda dalkaasi ay saxiibadeeda caalamka weydisay gar istaag.

Mareykanka,Ruubsha iyo dalalka kale ayaa gaarsiiyay qalab caafimaad si wax looga qabto saameynta uu ku yeeshay.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 dalka India oo gaartay 21 Milyan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this