Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistaan iyo Sacuudiga oo doonaya in la soo celiyo xiriirkii u dhaxeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Dalka Pakistan Imran Khan ayaa gaaray Dalka Sacuudi Carabiya, isagoo isku dayaya inuu dib u soo celiyo xiriirkii ka dhexeeyay laba dal ee xumaaday sanooyinkii u dmbeeyay.

Mr. Khan waxaa maanta oo Jinco ah uu gaaray magaalada Riyadh, ka dib casuumaad uu ka helay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan

Booqasha oo qaadan doonta muddo sadex cisho ah ayaa waxay leedahay muhiimad gaar ah,gar ahaan isu soo dhowaanshaha Pakistaan iyo Sacuudiga oo horay u ahaa xulufo isku dhow.

Dadka taxliiliya siyaasadda ayaa sheegay In kasta oo Baakistaan iyo Sacuudi Carabiya taariikh ahaan ay ahaayeen xulafo aad isugu dhow, haddana xiriirkooda adag waxaa soo maray dib u dhacyo dhowr ah.

PUNTLAND POST

The post Pakistaan iyo Sacuudiga oo doonaya in la soo celiyo xiriirkii u dhaxeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this