Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii mudda kororsiga ka horyimid oo maanta laga saarayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo kala duwan, oo ka tirsan ciidamadii ka horyimid mudda kororsigii dowladda Federaalka, ee qalalaasaha dhaliyay, ayaa maanta oo Jimce ah lagu ururiyay dhanka waqooyi ee magaalada Muqdish, si gebi ahaanba looga saaro magaalada.

Ciidamadan oo ku hubaysan noocyada gaadiidka dagaalka, ayaa haatan la isu-gu geeyay xaafadaha dhanka waqooyi ee Muqdisho, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan furimihii ay hore uga soo baxeen.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib markii heshiis laga gaaray qalalaasihii iyo Rabshadihii ka taagnaa Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay mudda kororsigii lagu fashilmay ee dowladda Federaalka.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka dowladda ayaa ku heshiiyay in magaalada laga saaro dhammaan Ciidamada kala duwan ee ka horyimid mudda kororsiga kadib markii la xalliyay xiisaddii jirtay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamadii mudda kororsiga ka horyimid oo maanta laga saarayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this