Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay Kulanka labada mas’uul looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmahan kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka wuxu la qaadanayay safiirada Shisheeye iyo wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeya ee dowlada Soomaaliya ay xiriir wanaagsan iyo iskaashi la leedahay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this