Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya iyo DP World Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Horumarinayo Waddada Berbera Corridor.

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya iyo shirkadda DP World ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinayo waddada Berbera Corridor.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka ee Itoobiya Dagmowit Moges iyo Agaasimaha guud ee shirkadda DP world Suldaan Axmed Biny Suleyman ayaa maanta Addis Ababa ku kala sexeexday heshiis cusub oo ujeedkiisu yahay horumarinta waddada Berbera Corridor ee dhinaca Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in ay ku maalgashato kuna horumariso dekedda Berbera 442$ Milyan iyadoo wajigii kowaad dhamaad ku dhaw yahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee shirkadda Suldaan Axmed.

https://www.facebook.com/529227697545391/posts/1138630563271765/?sfnsn=mo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this