Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Inay Dib U Soo Celisay Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed Ay La Laheyd KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal midha dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda xilgaadhsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in dowladda Federaalka ay dib u soo celisay xidhiidhkii kala dhexeeyay dowladda Kenya, isla markaana heshiis la gaadhay.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta in xidhiidhka labada lasoo celiyay, iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga iyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee labada dal hore uga dhexeeyay.

“Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha” ayuu yidhi Al-cadaala.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynayaasha labada dal ay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintaan.

Kenya ayaa markii horeba sheegeysay in xidhiidhka uu dhankeeeda caadi ka ahaa, dhowr jeer oo Dowlado iyo diblomaasiyiin ay arrintan kala hadleen u sheegtay in Soomaaliya soo celiso xidhiidhka.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kaddib saacado un kaddib markii Ergeyga Qatar ee Wasaaradda Arrimah Dibadda Qatar uu booqasho ku tagay Nairobi, lana kulmay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isagoo gaadhsiiyay farriin uu ka siday Amiirka Qatar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this