Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1620306977403.jpg?resize=720%2C55

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya, ka dib wadahadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo deris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankan.

Dhanka kale warmurtiyeed wadajir ah oo ka soo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu yiri “Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha”

“Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan” ayaa lagu sii yiri warmurtiyeedka wadajirka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii December 2020 ku dhawaaqday in ay xiriirka diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisad labada dal u dhaxeysay oo muddo soo jiitamaysay.

Khilaafka waxaa xuddun u ahaa muranka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this