Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiin Oo War Kulul Kasoo Saartay Dil Loo Geystay Wiil Dhalinyaro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaza)-Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa cambaareeyay  dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen  waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Afhayenka ayaa sheegay in  Dowlada Israa’iil ay sii wadaan  barakicin iyo xasuuq ay ku hayaan  dadka Falastiiniyiinta, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaheeda inay ilaalin caalami ah siiyaan dadka reer Falastiin.

Saciid Yusef Odeh oo 16-sano jir ah  ayaa lagu dilay deeegaanka Odla ee Nablus ka dib markii uu  iska horimaad la galay ciidanka Israa’iil.

Dilka wiilkaasi ayaa dhacay xilli ciidamada Israa’iil la tilmaamay in ay raadinayeen nin Falastiin ah oo maalinimadii Axadda dhaawacay 3-ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this