Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
Danni.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Safarka madaxweyne Deni, waxa Puntland Post u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa saaka xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Puntland, Guy Griffin.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in kulanka labada  mas’uul looga hadlay arrrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this