Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku billowday qarax oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qarax xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarkan oo ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa lala beegsaday saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal foola fool ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana dadka soo wajahay cabsi xoogan, kadib weerarkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan ayaa shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo uu ku jiro sarkaal laba Xiidgle ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku qaadan weerarkaasi khasaaraha lagu gaarsiiyey.

Xaaladda ayaa haatan yare degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

The post Weerar ku billowday qarax oo ka dhacay degmada Ceelwaaq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this