Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdikariin Guuleed oo war ka soo saaray Heshiiskii laga gaaray qalalaasihii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Murashax Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii xalay laga gaaray qalalaasihii Muqdisho, gaar ahaan xalinta rabshadihii dhacay.

Cabdikariin Guuleed wuxu sheegay in uu bogaadinayo heshiiska laga gaaray Arimaha Amniga Muqdisho iyo xal ka gaarista Ciidamadda, islamarkaana uu rajaynayo in ay dhammaan fulaan qodobada heshiiskaas.

Maanta waxaa hortaala mudane Rooble fursad qaali ah oo uu dalka uga taabo galin karo doorasho hufan oo la iskula qanacsan yahay” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, wuxu  u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka soo shaqeysay heshiiskaas oo ay u horeeyaan xubnihii Midowga Murashaxiinta, Madaxda dowlad gobaleedyada Galmudug,  Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rouble.

PUNTLAND POST

The post Cabdikariin Guuleed oo war ka soo saaray Heshiiskii laga gaaray qalalaasihii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this