Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka ku midaysan G7 oo war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee wadamada ku midaysan G7, ayaa sheegay in ay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

War ka soo baxay G7 ayaa lagu sheegay, in ay ka xumaadeen go’aankii lagu kordhiyay muddada xil-haynta dowladda Federaalka, kaas oo sabab u noqday qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni-darro ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed in ay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, dalalka G7 ayaa soo dhoweeyay in dib loogu laabto heshiiskii Arrimaha doorashooyinka ee 17-kii September, kaas oo ku salaysnaa hirgelinta hannaan doorasho dadban.

“Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September”

Bayaankan ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya in ay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaaro arrimaha harsan.

Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Dalalka ku midaysan G7 oo war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this