Sign in to follow this  
Deeq A.

Nooca Corona-Virus ee Dadka aadka u badan ku laynaya Hindiya oo soo gaadhay Dal derisa la ah Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Nooca Corona-Virus ee Dadka aadka u badan ku laynaya Hindiya oo soo gaadhay Dalalka deris la ah Somalia

 

corona.jpg

Illaa shan kiis oo ah fayraska dadka aadka u badan ay ugu dhammaanayaan hindiya ee COVID Variant ayaa lagu arkay dalka Kenya oo Soomaaliya deris la ah.

Wasaaradda caafimaadka Kenya waxay sheegtay in baadhitaanka kiisaskan la sameeyay ka hor intii aan la mamnuucin diyaaradaha ka yimaada Hindiya.

Shanta kiis ee la helay waa dad ka shaqeynayay warshad bacriminta sameysa oo ku taalla galbeedka Kenya.

Dalka Hindiya waxaa hadda ka taagan xaalad aad u xun oo uu ku hayo nooca cusub ee cudurka Covid-19. Waxaana maalin kasta laga soo sheegaa boqollaal kun oo kiisas oo xanuunka ah.

Illaa iyo hadda, in ka badan 226-kun oo qof ayuu cudurkan ku dilay Hindiya. Wuxuuna ku dhacay in ka badan 20 milyan oo qof.

Iyadoo xaaladda ay sidaa u xuntahay, haddana hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO, weli maysan caddeynin in cudurka Hindiya uu yahay Covid19 Variant.

Kenya waxay noqoneysaa dalkii labaad ee Afrika ee soo weriya in xanuunka Hindiya loogu dhammaaday uu soo gaadhay. Waxaa hore u sii sheegtay Dalka Ugandha in lagu arkay dalkeeda.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this