Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sheekh Shariif Oo Mar Labaad Diiday Codsi Ka Yimid Waftiga Qatar Ee Ku Sugan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar labaad diiday in uu la kulmo waftiga dhax dhaxaadinta ee ka socda dalka Qatar, kuwaas oo maalmahan Muqdisho u jooga xal u helidda arrimaha doorashada Soomaaliya, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay.

Xog la helay ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif, oo laba habeen ka hor ka cudur daartay kulankii Midowga Musharaxiinta iyo wafdiga Qatar, ay mar kale diiday codsi labaad oo ka yimid wafdiga Qatar oo ahaa  inay si gaar ah ula kulmaam.

Wararka aanu helnay ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Soomaaliya ay dambiyo ka galeen dalalka, Itoobiya, Eritrea iyo Qatar, halka Turkiga uu sheegay in taageeradii ay siisay Soomaaliya si khaldan loo adeegsaday.

Wafdiga Qatar ayaa la sheegay in si weyn ay u daneynayeen kulanka Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay u arkaan hoggaamiyaha ugu awoodda badan mucaaradka, sababta oo ah waa guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta, sidoo kalena ciidanka ku sugan Muqdisho ee Badbaado Qaran ayay badankood isku beel yihiin.

Xubno ku dhow Shariifka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inn madaxweynihii hore uu qabo su’aalo ay ka mid yihiin: Xagee jirtay Qatar afartii sano ee tagay, markii loo qeylinayey kaalmo dibadeed iyo in wax laga qabto xadgudubyada Villa Somalia ay ku kaceysay?

Qatar xitaa kama hadal markii Muqdisho ay ololeysay toddobaadkii tegay ee ciidamada dowladda ay weerareen aqallada Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur taasi oo dagaal gelisay caasimada. Kama hadal markii Farmaajo iyo Mursal ay sameysteen laba sanno oo muddo korodhsi sharci-darro ah, markaasi oo beesha caalamka oo idil ay soo saareen qoraallo ay ku diideen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this