Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Itoobiya Iyada Oo Aan Bad Lahayn U Dhisatay Ciidanka Badda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya waxay markii ugu horaysay soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuweeda badda, iyadoo hore u balan qaaday in ay samaysan doonto ciida badeed.

Tuulada dhacda duleedka Addis Ababa ee Bishoftu ayay xukuumadda Addis kusoo bandhigtay ciidamo kooban iyo xaflad lagu daah furayay sumadda rasmiga ah ee ciidaada badda Itoobiya.

Ciidamo cusub ayaa la siiyay darajooyin kadib dhagax dhig uu sameeyay janaraalka ugu sareeya ciidamadan, oo xarun cusub oo ciidamada saldhig u noqonaysa ka dhagax dhigay tuulada Bishoftu.

Itoobiya waxay isticmaali doontaa biyaha wadamada gobolka iyadoo la filayo in a saldhig ka samaysato dalka ay colaadu ka dhaxaysay balse ay heshiiyeen ee Ereteriya.

Haddaba Maxay Ethiopia Iyada Oo Aan Bad Lahayn U Dhisatay Ciidanka Badda? Rooble Maxamed Saxardiid qoraal uu ka baahiyay bartiisa facebook waxa uu si faah-faahsan uga hadlaya

Waxa aan arkayay ilaa shalay iyadoo laga hadlayo in Itoobiya samaysatay ciidanka badda oo dufcaddii koobaad qalin jebisay. Waan ku hambalyaynayaa Itoobiya arrinkaa marka hore.

Eeg hadda … Wax kele maaha, Itoobiya waxa ay u fekeraysaa sidii dawlad caadi ah laga rabay in ay u fekerto uguna diyaar garowdo mustaqbalkeeda. Muhiimadduu maaha inaad bad leedahay iyo in kele, mana aha in aad cid duullaan ku tahay, muhiimaddu waxa weeyaan in mustaqbalkaagu is beddeli karo diyaarna aad u tahay markaa oo wixii lagaa rabi lahaa aad imikaba sii haysato. Itoobiya shalay bay bad lahayd laakiin 1993 mustaqbalkeedii wuu is beddelay oo bilaa bad bay noqotay, maxaa diidaya in mustaqbalka haddana arrinkaasi is beddeli karo oo ay bad yeelan karto siday doontaba ha ku timaaddee ? .. Waxa aan ka wadaa uun mustaqbalka waa la odorrosaa, wixii kuu soo baxana waa loo sii diyaar garoobaa.

Tusaale ahaan Maraykanku ciidankiisa kuma tababaro hubka casriga ah oo keliya, wuxuu sidoo kele ku tababaraa warankii, gaashaankii iyo seeftii .. Miyaad garanaysaa sababta ? … Waxa ay odorroseen in mustaqbalku is beddeli karo oo tiknoojiyaddani ay si uun isu taagi karto, dibna loogu noqon karo in waran iyo seef lagu dagaallamo, Sidaas darteedna aanuu ciidankoodu faro madhnaan isa soo taagin markaa. Hadda ma fahantay ? ….

Tusaale kele aan ku daree waxa laga fekeraa haddii dunida inta dagaal dhaco Nuyuukliyeer la isku miiso maxaa la yeelayaa ? ,, Eeg hadda ,, innaga xisaabta innooguma jirto waxaasi laakiin waxa ay sameeyeen magaalooyin dhan oo dhulka hoostiisa ah oo sannado badan lagu noolaan karo haddii taasi dhacdo … Innagu marka Nuyuukliyeerku innagu soo dhaco ayaynu odhan lahayn maxaynu yeelnaa sow maaha ? ,, Intaasaa lagu kala duwan yahay.

Bal hadda eeg … Adduunyada caadiga ah inta la fadhiisto ayaa la is waydiiyaa sidee bay wax u dhici karaan … markaasaa siyaabahaas laga dooday wixii looga baahnaan lahaa qorshaheeda la galaa oo la dhamaystiraa.

Aan luqad la fahmayo idinkula hadlee, Adduunyadu abaaraha waxa ay ka diyaar garowdaa inta aanay iman, waa sababta aynaan u maqlin abaar baa cid laysay oo qorshe diyaar ahaa uun baa la fuliyaa …. Sidaa si la mid ah, Daadadka waxa laga diyaar garoobaa inta aanay iman, oo wixii lagaga hortegi lahaa la sii sameeyaa. Innaga uun baa jirna dad suga abaarta oo markay timaaddo ee lagu le’do yidhaahda dadka ha loo gurmado, sidoo kelena daadadku markay ina qaadaan yidhaahda maxaynu yeelnaa.

Ma kula tahay innagu haddii aynaan bad lahaan lahayn in aynu ciidan badeed samaysan lahayn ??

Eeg hadda …. Ma garanaysaa sababta aynaan Duuliyayaal diyaaradeed u yeelan weli ?? ,, Waxaynu sugaynaa intaynu diyaarado helayno .. markaasaa la odhanayaa bahalladan yaa duulinaya haddaba … ma fahantay imika ?

Hadda eeg … Bulshooyinka caalamku mustaqbalka ayay ka fekeraan oo ay u diyaar garoobaan … Waa sababta ay hore ugu socdaan ….

Innagu daqiiqaddaa la taagan yahay fekerkeenu ma dhaafsiisna … Waa sababta aynu halkaynu taagannahay uun ugu meeraysanno.

Ilaahay wanaagga ha inna garansiiyo dhamaanteenba …

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this