Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Shabeelle oo Fatahaad xooggan ka sameeyay tuulooyin ka tirsan degmada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   
Fatahaad.jpg?resize=720%2C333&ssl=1

Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas uu ka socdo bara-kac ballaaran, kadib markii Webiga Shabeelle fatahaad xooggan ka sameeyay halkaas.

Tuulooyinka Baarey iyo Moyko oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay Webigu fatahaad ka sameeyay, ayaa inta badan laga bara-kacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Fatahaadda webiga ayaa sidoo kale baabi’iyay dhul beereed ballaaran, oo ku yaalla labadaas tuulo oo ka tirsan degmada Jowhar, waxaana la sheegay dalag badan fatahaaddu qaadday.

Sidoo kale, fatahaadda ayaa goysay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar waxa isna go’an jidka isku xira Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha magaalada ee Maxamed Dheere.

PUNTLAND POST

The post Webiga Shabeelle oo Fatahaad xooggan ka sameeyay tuulooyin ka tirsan degmada Jowhar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this