Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo codsi u jeediyay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-Culimo.jpg?resize=1000%2C667&ss

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha, isaga oo ku ammaanay kaalinta ay ka qaataan taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dhankooda, culimada ay la wadaageen Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday dowlad-wanaagga, ilaalinta ammaanada shacabka iyo xaqiijinta Caddaaladda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo codsi u jeediyay Culimaa’udiinka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this