Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo: Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiil Mareykan ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1620149334342.jpg?resize=720%2C56

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlgala degaannada Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe iyo saraakiisha Mareykanka ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

FB_IMG_1620149337305.jpg?resize=720%2C42

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada waxaa Madaxweynaha Jubaland ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

PUTLAND POST

The post Kismaayo: Axmed Madoobe oo la kulmay saraakiil Mareykan ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this