Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Wasiir u magacaabay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen

Recommended Posts

Deeq A.   
cabdiwahaab.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.

Xilkan waxaa horay u diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble bishii hore xilalka u kala beddelay wasiirkii gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa xukuumaddii Badbaado Qaran ee hoggaamniyay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ka soo noqday Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

Sidoo kale Cabdiwahaab ayaa muddo kamid ahaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo Wasiir u magacaabay Cabdiwahaab Ugaas Xuseen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this