Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kasoo horjeeda Mudo kororsiga oo diiday inay ka baxaan dhufaysyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa Ciidamo aan cidna ka amar qaadan kuwasoo sheegay inay kasoo horjeedaan Xukuumada Xilkeedu dhamaaday.

 Hogaamiyayaasha Ciidamadaan oo kala ah Janaraal Maxamed Siyaad Indhacade, Saadaq Joon, Cabdimaalik Ismaaciil, Saney Cabdulle iyo Cusmaan Xaadoole ayaa Xalay kulan ay isugu yimaadeen waxay ku gacan dayreen baaqyadii ahaa In Ciidamadu ay ka baxaan Magaalada isla markaasna ay faraha kala baxaan Siyaasada.

Janaraal Indhacade ayaa lagasoo xigtay in kulankii Xalay ay isku afgarteen in ay joogaan Magaalada isla markaasna ay sugaan Amaanka Caasimada ilaa Laga arkayi in Raysal wasaaruhu uu Diyaar u yahay Isbadal dhab ah iyo wadaagayn dhab ah oo uu la samaynayo Mucaaradka.

Waxaa muuqata inuu wali jiri kala shaki iyadoo ay maalmahaan suuqa ku jirto in Madaxweyne Farmaajo uusan tanaasulin balse uu doonayo inuu ku adeegto Raysal wasaaraha.

Shakigaan waxaa iyana qaba Qaar ka tirsan Mucaaradka .

Puntlandi.com Muqdisho

2759A319-2560-4917-BE65-7E236C23957B-603

The post Ciidamada Kasoo horjeeda Mudo kororsiga oo diiday inay ka baxaan dhufaysyada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this